Dagaal culus oo dhexmaray Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab

Nagala soo xiriir Email: jubbanews3@gmail.com

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ku dhexmaray degaanka Ceellahelay oo 20 KM dhanka Galbeed kaga beegan Magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Al-Shabaab ay Weerar kusoo qaadeen Saldhiga Ciidamada dowladda ee degaankaasi.

Inta la xaqiijiyay 5 qof ayaa ku dhimatay 12 kalena waa ay ku dhaawacmeen oo ah dhinacyadda dagaalamay.

Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen in muddo saacaddo ah ay maqlaayeen daryanka Madaafiicda ay ridayaan labada dhinac.

Al-Shabaab ayaa inta badan Weeraro kala duwan ku qaada Saldhigyadda Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Koonfurta Soomaaliya.

 

Advertisement