SAWIRRO: Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kormeer ku tagay Isgoysyadda 9 degmo

Nagala soo xiriir Email: jubbanews3@gmail.com

Ra’isul Wasaaraha  Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kormeer shaqo oo uu ugu kuurgalayo sida ay ku socdaan howlaha xasilinta amniga caasimadda ku maray qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa  degmooyinka uu xalay  kormeerka ku tagay waxaa ka mid ah Wadjir, Hodan, Howl wadaag, Warta nabadda, Yaaqshiid, Waaberi, Xamarweyne, Shangaani iyo Cabdalcasiis, isagoo warbixino ka dhageystay saraakiisha ciidamada ee uu kula kulmay waddooyinkii uu kormeerka ku maray ra’iisul wasaaraha.

Mudane Kheyre ayaa Isgoyska Barkaaraha kula kulmay Ciidamo ka tirsan Howlgalka Xasilinta Amniga Caasimadda oo howlo baarintaano ah xilligaas ku howlanaa, wuxuuna bogaadiyay sida wanaagsan ee ay ciidamadu u gudanayaan waajibaadka qaran ee loo xilsaaray.

1 2 2-1 (1) 2-1 3 4 (1) 4

Advertisement