Ciidamada dowladda oo qarax lagula eegtay Gobolka Sh/dhexe

Nagala soo xiriir Email: jubbanews3@gmail.com

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya Gobolkaasi lagula eegtay qarax miino.

Qaraxan ayaa ciidamada dowladda lagula eegtay inta u dhaxeysa Qalimow iyo Balcad, waxaana wararka ay sheegayaan kolonyo ciidamada ay la socdeen in miino lagu qarxiyay.

Inkastoo aanan si dhab ah loo ogeyn Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaasi ayaa haddana wararka waxa ay sheegayaan laba askari inay ku dhinteen, halka saddex kale ay ku dhaawacmeen qaraxaasi.

Saraakiisha ciidamada dowladda Federalka Somaliya weli kama aysan hadlin qaraxan ciidanka lagula eegtay Gobolka Shabellaha Dhexe, xilli halkaasi ay marayeen.

Ciidanka qaraxa lala eegtay ayaa la sheegay inay u socdeen dhanka Magaalada Jowhar, waxaana la socday Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Somaliya.

Shabaab ayaa miinooyin ku aasa wadooyinka badi ay isticmaalaan ciidamada dowladda si ay ugu waxyeeleeyaan qaraxyada ay u dhigaan ciidanka.

 

Advertisement