DAAWO: W. Yusuf Garaad oo Niyadda ka dilay Mahad Abib Kadib Markii uu Norwey u Xaqiijin Waayay Soomaalinimadiisa

Nagala soo xiriir Email: jubbanews3@gmail.com

Wasiirka arrimaha dibada dowlada Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar oo isbuucan booqasho rasmi ah ku joogay dalkan Norway, ayaa wargeyska VG u sheegay inuusan cadeyn karin in Mahad Abiib uu dhalasho ahaan kasoo jeedo dalka Soomaaliya, balse ay cadahay inuu qowmiyad ahaan soomaali yahay.

Wariye ka socdo wargeyska VG ayaa kasoo qeybgalay kulankii uu Yuusuf Garaad la qaatay soomaalida Norway, wuxuuna wasiirka weydiiyay su´aal ku saabsan kiiska Mahad Abiib, iyada oo markaas wasiirka la gudoonsiiyay documentiyo ka socdo dowlada Soomaaliya, kuwaas oo sheegaya in Abiib uu yahay muwaadin soomaali ah.

Yuusuf Garaad ayaa VG u sheegay inuu qadirinayo documentiyadaas, balse xukuumada cusub ee Soomaaliya ay rabto inay si dhab ah wax u hubsato. Dhanka kale Yuusuf Garaad ayaa raaciyay in dowlada Soomaaliya ay Mahad Soomaaliya kusoo dhaweyneyso, xitaa hadii uusan Soomaaliya kasoo jeedin, oo uu jabuutiyaan yahay.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA SU’AALIHII YUSUF GARAAD

Advertisement