KHILAAFKA CARABTA IYO MAWQIFKA DAWLADA SOOMAALIYA.

Nagala soo xiriir Email: jubbanews3@gmail.com

Khilaafka dawladaha Khaliijka Carabta ayaa gaaray heerkii ugu sareeyey kadib markii ay xiisadii ka gudubtay dawlado is haysta oo ay u gudubtay shakhsiyaad, qoysas is dhalay ama is qaba iyo hay’ado samafal iyada oo la soo saaray amaro lagu ugaarsanayo 59 qof oo u badan Culimo, Mufakiriin iyo hogaamiyaal bulsho oo magac iyo maamuus ku leh wadamada Carabta iyo Caalamka oo uu ugu horeeyo Caalimka Sheekh Qardawi oo ah 90 jir, sidoo kale 12 hay’adood oo samafal ah oo ay ugu horeyso Qadar Charity, sidoo kale qaraabo iyo xaasas la kala raray ilaa ay gaartay in ilmo iyo hooyo nuujineysay la kala tarxiilay.

Sida la ogyahay wadamada lixda ah ee Khaliijka waa Beelo wada qaraaba ah oo is dhalay kala guursada kalana heysta Jinsiyadooda, marka dagaalkii qaraabadii ayuu hoos ugu degay ilaa la gaarsiiyey qofkii qora ama ku hadla ama laga dareemo in uu ka wel-welsanyahay ama ka xunyahay cunaqabateynta Qadar waxaa lagu ciqaabayaa xabsi gaaraya 15 sano iyo ganaax dhan 30 kun doolar.

Waxaa la yaab leh in Sannadkii 1978-kii dawladaha Carabta oo ay u horeeyeen Sacuudiga iyo Emaraatku ay go’doomiyeen dalka Masar iyaga oo ku eedeeyey heshiiskii Israa’el ay la galeen kadibna waxey lacagta ugu badan ku bixin jireen ururkii xoreynta Falastiin ee Yazir Carafaad hogaaminayey iyo ururka Xamaas oo Sheekhii asaasay Sheekh Axmed Yasiin uu ka soo furtay Yuhuuda Boqor Xuseen ka Urdun uuna soo badbaadiyey isaga iyo Khaalid Mishcal, kadibna Boqor Fahadkii Sacuudiga ayaa kusoo dhaweeyey Boqortooyada Sacuudiga si ka sareysa soo dhaweyn Madaxweyne.

Hadaba waxaa nasiib daro ah in halgankii dheeraa ee Carabta kusoo dhamaaday in ay danbi tahay xoreynta Falastiin iyo Masjid Al Aqsaa iyo in markii ugu horeysay ay Israa’el taageertay go’aanka Sacuudiga iyo Emaratka, loona arkin maanta cadawga koowaad, labaad iyo sedexaad. Alle ha u naxariisto Boqoradii iyo Madaxdii Carabta hore oo ilaa xad ilaalinjiray sharafta iyo karaamada Carabta iyo Islaamka.

Dawlada Soomaaliya oo Sannadkii 1978-kii garab istaagtay dalka Masar kana heshay xoogaa hub ah oo diiday go’aankii Carabta, 1990 kiina taageertay Sacuudig kana heshay xoogaa dhaqaale ah. Maanta dawlada dalkeena ka talisa waxey qaadatay go’aan dhexdhexaad-nimo ah oo dad dad badan ku taageereen uguna hambalyeeyeen.

Waxaa laga rabaa dawlada soomaaliya aragtideyda laba arimood oo kala ah;

1. In ay caloosha xirtaan is kana dhaafaan qaraabka Carabta inta arintu kacsantahay, waxaa sharaf dhac ah in dawlad aadan ku taageersaneyn mowqifkeeda hadana aad tuugsi u aado.

2. In Madaxda dawlada Soomaaliya ee saaxiibada la ah dawladaha Carabta ee is haya aysan isku khilaafin kan ayaa saxan iyo ma saxna sidii Madaxweyne Trump iyo Wasiirkiisa arimaha dibadda isugu khilaafeen, taas oo saameyn ku yeelan karta horu-socodka hawlaha dawlada.

Hadaba si looga dhabeeyo go’aankii dawlada, loona ilaaliyo Sharafka iyo Karaamada ummadda soomaaliyeed waa in la raadiyo ilo dhaqaale kale oo aan ku xirneyn shuruudaha Carabta.

Qalinkii: Mohamed Gacal

Advertisement