SHir-Qoollada midnimmadeenna lagu duminayo! W/Q Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Nagala soo xiriir Email: jubbanews3@gmail.com

{ Waa waajib diini ah midnimmada Ummadda}

Ramadaan Mubaarak! Waa Alle Mahaddii oo dadku waa roobsaday, waxaana Alle ka baryayaa in abaartii darnayd laga doogsado oo la barwaaqoobo!….Allaah baa mahad iyo ammaanba iska leh! Allaha hal sinji oo Soomaali ah innaga dhigay baa mahad iska leh!….Inaan hal sinji nahay! Inaan hal af leennahay! Inaan diinta Islaamka mid ku nahay!…..Cadowgeenu intaas buu inoo quuri la’yahay! Oo miyaan ognahayba!…Dowlado badan ayaa sidii ay dadkooda u mideyn lahaayeen dhaqankooda iyo afkooda lacago badan uga baxaan, annagana?!…annagana waxaan hanan la’nnahay hibada Alle inoogu deeqay!…Bal dhab u fiiri maxaa dalkeena ka jira?!….Maxaa laynaga rabaa, dowlad kasta dalkii safaarad bay keensatay?!…Dowlad kasta oo safaarad keensatay dan bay innaga leedahay laakiin ma la hubaa annagu dhammaan dalalkaas inaan dano ka leennahay?!….Dastuurkeenii iyo Xeerarkeenii dhammaan waxaa moodaa in lagu saleeyay sifooyin iyo dano gaar ah inaanan yeelan karin laakiin waxa aan yeelayno ama aan diidayno ay noqdaan wax dunida xeerarkooda ay oggolyihiin ama ay diidayaan!…..macnaha dalkii waxaa loo ekeysiiyay dal aan xuduud lahayn oo nin kasta u furan!….

Dalalka qaar waxy ku mashquulsanyihiin lagu beero dad ka duwan dhaqan ahaan iyo diin ahaanba!…. Kuwo kale waxay ku mashquulsanyihiin sidii Soomaaliya ay ugu jiri hab nidaamkiisu uusan cadayn, dad-weynahana talada dalka ay dibadda ka joogaan oo maalinba ay keensadaan koox iayaga talada ka qaadata!….Guud ahaan marka la qeexo arrimaha waxa Beesha Caalamka loogu yeero ay dalka ka wadaan waxba kama duwana dagaalladii daroogada (Opium Wars) ee dalka SHiinaha lagu qaaday qarnigii 19aad….Macnaha dadka iyo dalka waxaa mas’uul ka noqnay dad aan lahayn, dadka lehna qaadkooda ayeey iska cunayaan, marka ay daroogada qaadka dilatana qof kasta oo dalka wax ku ool u ahaa waxaa shaqo laga siinayaa ama uu ka raadsanayaa dalalka shisheeyaha ah, inta soo hartayna dalkooday magan ugu ahaanayaan shirkado shisheeye oo marka ay qaad waayaanba si ay qaad u helaan ku hoos dulmanaanayaan waligood….waa sida laynaga damacsanyahay!….Waana sida midnimmadaada iyo Qoomiyaddaada lagu burburinayo!….. Laakiin wali talo ayaa inala gudboon!…iimh….Wxaana talo wanaagsan ah inaysan wax xuquuq ah oo jinsiyadda Soomaali ah yeelan karin dadka shisheeyaha ah ee intii ay Soomaaliya dunsanayd ku soo qamaamay dalka iyagoo fursado guracan oo ay ka faa’idaystaan ka raadinayay dhibaatada dadka iyo dalka haysatay ama aan la garan sabab rasmi ah oo ay dalka ku soo galeen ama ku joogeen!….

Waa Alle Mahaddii midnimmadaas iyo sifaha gaarka ah ee Eebbe innagu manaystay! maxaa innaga qariyay?! Waa hadiyad iyo naxariis gaar ah oo Alle innagu mannaysta, waana waxa ugu weyn ee nacabka Soomaaliyeed uu innagula dagaalasanyahay, waa xoogga keliya ee ay Soomaalidu leedahay cadowgeeduna uu tuhunsanyahay, oo miyaan ognahayba?! Waa sababta ugu weyn ee dastuurkeena loogu hayo fara-gelinta siiba qodbbada jinsayadda khuseeya, waana inta ay garan waayeen Xasan SHiikh Max’ud iyo Af-Hayeen Max’ed Cusmaan Jawaari!….Dagaalka laynagu hayo waxaad moodaa inuu noqday mid xagga diinta, qaynuunka dastuurka, iyo xeerarka dhaqanka ah u badan oo laynoo helay siyaasiyiin iska rumaysan wax walba oo ay u sheegaan waxa Beesha Caalamka loogu yeero, inay sax yihiin ama intooda badan rumaysan in wax Beesha Caalamka loogu yeero ay tahay waxa laga sugayo inay Soomaaliya dowlad ka dhigto, waana midda keentay in madaxdeenu mas’uuliyad aysan isa saarin oo ay sugaan oo keliya in diplomatsi shisheeye ah wax u sheego shir isugu yeero, marti qaad iyo casho ugu yeero, oo maxay kaaga dhiganayaan?! waxayna wali garan la’yihiin ama ay fahmi la’yihiin in wax Beesha Caalamka loogu yeero ay AMISOM u yaqaanaan ciidamo rasmiga ah ee Soomaaliyeed, sidaas daraadeedna ay diidanyihiin in wax ciidan Soomaaliyeed ah ay samaysmaan!….

{AMISOM ciidan Soomaaliyeed ma aha, difaaca dalakana dadka Soomaaliyeed baa u taagan!}

Qof kasta oo Soomaali ah, siiba dhallin yarradu waa ciidan Soomaaliyeed, haddii la mooday in Soomaaliya aysan ciidan lahayn, waxayna ka dheregsanyihiin sida cadowgu ugu soo haliilayo dalkooda, waxay ogyihiin sida loogu soo xad gudbay xudduudaha dalka bad, berry iyo cirba, waxayna ka simmanyihiin inay naftooda u huraan una dhintaan sidii ay cadowga dalkooda uga difaacan lahaayeen mana mooga siyaabaha foosha xun ee dalalka qaarkood faraha ugula jiraan arrimaha dalka. Golayaasha dalka ayeey tahay inay si degdeg ah uga fekeraan oo diyaariyaan barnaamijkii AMISOM ay dalka uga bixi lahayd iyo qaabkii loo heli lahaa ciidamo Soomaaliyeed oo bedela waliba waqtiga ugu gaaban ee la suuro gelin karo.

Golaha aqalka sare iyo aqalka hoose maxay qabtaan?! Jawaabta waxaa laga garan karaa waxyaabaha dalka ka socda, iigama baahna inaan aniga faahfahiyo (War dhafoor buu ku yaal) hawsha dalka ugu muhiimsan waa in laga hadlo arrimaha Somaliland haddii ay tahay gooni isu taagga ay sheeganayso iyo haddii ay tahay arrimaha hadda soo cusboonaaday ee la xiriira sal-dhigyada ciidan ee dalalka shisheeyaha ay ka wadaan! Arrintan haddii aan hadda si dhab oo geesinimo leh aan loo wajihin waxay horseedaysaa burbur guud ahaan dalka ku baaha…Xasan SHiikh Max’ud ayaa waxaa uu waday qorshe uu doonayay inuu dekedaha dalka oo dhan ku wareejiyo shirkado aajnabi oo uu ka kireeyo, waana sababta asal ahaan ay ciribta ku hayso inuu Xasan SHiikh Max’ud oggolaado heshiiska dekedda Berbera loogu wareejinayo shirkadda DP ee Immaaradaha Midoobay ee Carabta iyo inay waliba sal-dhig ciidan u noqoto dowladaas, inaksta oo aysan ka marnayn dano shakhsiyadeed oo isaga iyo Axmed Max’ed M. Siilaanyo iyo xubno kale oo ka tirsan maamulkii Xasan SHiikh Max’ud iyo Somaliland ay ka lahaayeen.

Dekeddii Berbera Imaaradaha Midoobay ee Caratbta ayaa qaatay, dekeddii iyo gigadii diyaaradaha Muqdisho Turkiga ayaa qaatay…. waliba waxaa intaas dheer in Turekiga ay hanti badan oo dowladdu lahayd ay gacantiisa gashay, waxaana intaas oo dhan ka daran inaan la aqoon siyaabaha iyo sharciyadda ay hantidaas gacanta Turkiga ku gashay!…..waxyaabo badan oo ammaan ah oo Turkigu leeyahay baa dad-weynaha dhegahooda maqlaan, laakiin waxa muuqanaya ee la arko ama la ogyahay waxay noqdeen hanti iyo adeegyo badan oo uu Turkigu qaatay!….. Kuwii aan is lahayn wax baa idinka dhexeeya baa dadkii inoogu soo hor maray!….Itoobiya waxay dekedda Berbera ka qaadanaysaa 19% dakhliga ka soo xaroonaya boobka Imaraadaha Carabta Midoobay, waxaas oo dhan waxay ka soo baxeen far-gelinta qaynuunka iyo dastuurka dalka lagu hayo walina socda!….Ma garanayo wax ku dhacay banaan bax sida la ii sheegay meel badan oo dalka ka mid ah laga abaabulay oo looga soo hor jeeday sal-dhigga dekedda Berbera ee Imaaradaha Midoobay ee Carabta oo lagu waday inay la qabto maalmihii la soo dhaafay!…. Maxaa hor joogsaday?!…..

SHaki iigama jiro Mooshinkii golaha shacabka ay ka keeneen sal-dhigga Immaaradha Midoobay ee Carabta laga siiyay Berbera inuu hor taaganyahay Af-Hayeenka Max’ed Cusmaan Jawaari, mana jirto sabab shardi ka dhigaysa in Af-Hayeenku uu madax-weynaha iyo ra’iisal wazaaraha xukuumadda talo ka weydiiyo mooshin xil-dhibaano soo gudbiyeen haddii uu sharci ahaan buuxiyay shuruudihii looga baahnaa, laakiin waa dhaqan uu caado ka dhigtay Jawaari inuu isagoo isu ekeysiinaya oday wax maslaxaya qaynuunka ku tunto, hadda ka horna wuxuu is hor taagay mooshin laga keenay madax-wenihii hore Xasan SHiikh wuxuuna sheegay inuu isaga dhex galay oo maslaxay xil-dhibaannadii mooshinka keenay iyo madax-weynaha!…..Arrin ummadeed oo la hor keenay golihii ummadda ay wakiilatay buu intuu mugdi la galay Jawaari hadana dhahay anigaa dhameeyay oo maslaxay!….Malee adiga?! Hadana madaxweynaha iyo ra’iisal wazaaraha ayuu u qoray waraaq uu ku aaddan mooshinka ay xil-dhibaannadu ka keeneen sal-dhigga Berbera ay ka samaysanayso dowladda Imaaradaha Midoobay ee Carabta, waxayna taas ku tusaysaa in Af-Hayeenka Max’ed Cusmaan Jawaari uusan raali ka ahayn mooshinkaas maadaama isaga iyo saaxiibkaas Xasan SHiikh Max’ud ay wax ka ogaayeen heshiiskii lagu oggolaaday sal-dhiggaas!….

{Dowladda maxay uga aamusantahay sal-dhigga Imaaraadka ee Berbera?! mise wax baa qarsoon?!}

SHaxda waxa Beesha Caalamka loogu yeero waxaa hadda xudun u ah in xagga qaynuunka iyo dastuurka laynaga hanto oo sidaas arrimaha dalka gacanteena looga saaro…. Sida hadda muuqatana ciidammada AMISOM maalin kasta muddadaa loo kordhinayaa marna waxaa kordhinaya ururka Midowga Afrika, marna Qarammada Midoobay, marna dalalka ay ciidammada ka joogaan ayaaba kuu cadayniya inaan ciidammadoodu dhowaanahan Soomaaliya ka baxayn (Macnaha waligood aysan baxayn)….ciidmmada AMISOM xaasas aan sharci ahayn bay dalkii ku yeesheen iyagoo ka faa’idaysanaya dhibaatada shacabkii haleeshay, haweenka dayacan ee cid u xil qabta iyo dowlad dar-yeelaysa aysan jirin, golayaasha dowladdu kama hadlaan arimahan kamana soo saaraan xeer ciidamada AMISOM inay shacabka soo dhex galaan, waan qayb ka mid ah habka dhallan dooriska ah ee ay ku talo gashay waxa Beesha Caalamka loogu yeero inay jinsyad ku qaataan ajaanib faro badan oo aan cidina la socon nidaamka ay dalka ku soo galeen ama ay ku joogaan, gaar ahaan xuddudaha dalalka deriska ah kuwa ka soo galay, waana qaab lagu aburayo mustaqbalka in dalku noqdo dal ay ku noolyihiin dad kala af ah, kala diin ah, kala dhaqan ah!…. waxaan lagu talo galay dalku inuu noqdo dal dunida oo dhan ka dhexeeya oo shaqaalaha dalalka horumaray marka ay soo daalaan nasasho iyo tamashle u yimaadaan sida dalalka qaarkood, nolosha mujtamaciisuna ay noqoto mid ku salaysan waxa ka soo gala shaxaadka iyo u adeegidda tamashlayaashaas shisheeyaha ah!…..Waa dal ay niman samaysanayaan kuwii lahaana ay malaha caqligooda la tahay in iyaga loo samayniyo!…..

 

Wax tarka aan sheegno ama aan ku ammaano waxa Beesha Caalamka loogu yeero, ma ciidammada AMISOM baa?!….waxaan u malayniyaa waa ciidammada AMISOM! laakiin ciidmmada AMISOM ma dowladdeenna iyo ammaankeeda bay dalka u joogaan?! Oo ma la hubaa taas?!….Mid ay iska muuqaataa oo mushaarka iyo lacagaha la siiyo, iyo kharajka ku baxa sahaydooda, saanadooda, daweyntooda, taakulayntooda intaba waa lacagaha soo saaray khayraadka dalka Soomaaliya. Mase kula tahay haddii ay maanta dowladda Soomaaliyeed tiraahdo waan isku filnahay waana mahadsantihiin ee dalka isaga baxa inay ka baxayaan?!…Warkaas…yaa?! Mase kula tahay in ciidammada AMISOM ay dalka u joogaan inay dano kala duwan oo magacyadooda aan laynoo sheegin u ilaaliyaan waxa Beesha Caalamka loogu yeero?! Haddii ay arrintaas kuu muuqato, miyaadan garowsanayn ama aysan kuula ekeyn in ciidammada AMISOM ay gogol-xaadh u ahaayeen dano qarsoon oo loo soo maray in dowladda Soomaaliyeed ammaankeeda la ilaalinayo?! Mase dareemaysaa AMISOM inay hayso shaqadii laynoogu sheegay?….. AMISOM dhab ahaantii magacii iyo heshiiskii ay dalka ku soo gashay waxaa ugu dambaysay markii ay sal-dhigyada ay dalka ku leedahay adkaysatay, waxayna ilaalisaa ergooyinka shisheeyaha ah, iyo madaxda iyo ganacsatada Burcad-Beriyeedka iyo Burcad-Badeedda shisheeyaha ee sida tooska ah iyo sida dadbanba hantidii dalka u booba, waxayna u yihiin ciidamo ilaaliya (Escorts) marka ay so dagayaan, marka dhoofayaan iyo inta ay dalka joogaanba?!….

 

Waxaa dowladda la gudboon inay wax ka bedesho siyaabihii ay u soo dhaqmayeen dowladihii iyada ka horeeyay gaar ahaan marka ay timaado damaacinimmada waalan iyo boobka ay dalalka qaarkood ka wadaan dalka, isla mar ahaantaasna ay madaxdu yeeshaan cod dhawaqiisu sareeyo oo dad-weynaha lagula socodsiinayo xaaladaha ku soo kordha arimaha dalka iyo kaalinta laga doonayo inay ka qaataan. Golaha xukuumadda iyo labada aqal aamusnaanta ay arrimaha ka socda Berbera ka aamusanyihiin waxay noqonaysaa arrin aan dhayalsan karay iyo waliba run ahaantii inaysan gudanayn waajibaadkii iyo hawshii dadka iyo dalkaba ka sugayeen, waxayna shaki weyn gelinaysaa kalsoonidii lagu qabi karo inay hawlahooda gudan karaan… Waxayna niyad jab ku tahay hankii iyo rajadii ay shacabku ka qabeen.

Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk

Advertisement