Askar Kenyan ah oo Lagu Dilay Weerar ka dhacay Magaalada Mombasa

Nagala soo xiriir Email: jubbanews3@gmail.com

Dagaalyahano lala xiriirinayo Xarakadda Alshabaab ayaa la sheegay inay maanta toogasho ku dileen 2 Askar Kenyan oo ilaalo ka haysay Kaniisad ku taalla Degmadda Likunda ee Koonfurta magaalladda Mombasa.

Taliyaha Boliska Gobalka Xeebta, Larry Kiyeng oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa sheegay in 4 nin oo hubeysan ay toogteen 2 Askari oo ilaalo ka haysay Kaniisada Waxa uu intaasi ku daray in ragga hubeysan oo lala xiriirnayo Alshabaab ay ku baxsadeen Mooto, iyagoo horey u sii qaatay 2-qori oo noocoodu ahaa AK 47 oo ay lahaayeen Askarta la dilay..

Mid ka mid ah Saraakiisha la dilay waxaa laga toogtay madaxa, isagoo ku geeriyooday isla goobtii, halka Sarkaalka kale uu ku geeriyooday Isbitaalka”? ayuu yiri Taliyaha Bolis-gobaleedka Gobalka Xeebta ee dalka Kenya. Mar wax laga weydiiyey inuu xaqiijin karo inay Alshabaab ka dambeeyeen dilkaasi, waxa uu sheegay inay xilli hore tahay in la sheego dadkii ku lug lahaa dilkaasi, wuxuuna hoosta ka xariiqay in dabeecadda weerarkaasi la mid yahay Hawlgalladda Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay..

Dilka ka dhacay Koonfurta Mombasa waxa uu ku soo beegmay iyadoo Boliska Kenya jid-gooyo dhigteen, si ay Gaadiidka uga baaraan Hubka iyo dadka la tuhunsan yahay.

kenya-al-shabab-10-things

Advertisement