Taliska ciidanka xoogga dalka oo war ka soo saaray dagaalkii Buulo Gaduud

Nagala soo xiriir Email: jubbanews3@gmail.com

Ciidamada dowlada ayaa dib ugu laabtay deegaanka Buulo-Gaduud kadib markii saaka waaberigii ay la wareegeen dagaalyahano ka tirsan Alshabaab.

Ururka Alshabaab oo saaka weerar ku  qaaday saldhig ay ciidamada dowlada ku lahaayeen deegaanka Buulo Gaduud ayaa dib uga laabtay kadib markii muddo saacado ah ku sugnaayeen.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka ee qeybta 43-aad General Ismaaciil Saxardiid ayaa faah faahin ka bixiyay dagaalkii saaka ka dhacay Deegaanka Buulo Guduug ee Duleedka Koonfureed ee magaalada Kismaayo.

Taliyaha ayaa sheegay Alshabaab ay saaka waaberigii weerar ku soo qaadeen Xero ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbalaland oo ku taala deegaankaasi Buulo-Guduud oo qayaas ahaantii 30-KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo, wuxuuna sheegay in Khasaaro xoogan uu ka soo gaarey kooxdii weerarka soo qaaday ee Shabaab, ayna kaga dhinteen ilaa 20 maleeshiyaad ah kuwo kalena ay kaga dhaawacmeen.

Janaraal Ismaaciil Saxadiir ayaa sheegay in dhankooda uu jiro qasaare aan sidaasi u badnayn, maadaama ay ciidamadu ka war hayeen qorshaha maleeshiyaadkaasi ay ku soo weerareen deegaankaasi, lagana hortagay,isagoo been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in Shabaab ay xeradaasi ka kaxeysteen gaadiid dagaal oo ay ciidamadu leeyihiin.

“Abaaro 5:10 daqiiqo ee arroornimadii ayay weerar ku soo qaadeen xeradaasi, dagaal adag ayaa meesha ka dhacay, waxay ku soo weerareen qarax, Ciidamada ayaana gaarigii qarxiyay oo fashiliyay, ma uusan gaarin meeshii ay ugu talagaleen,Khasaare ayaa jira labada dhinac,hadana deegaankaasi waxaa gacanta ku haya ciidamada Xoogga dalka,ilaa 20 maleeshiyo ah  ayaa kaga dhintay.”ayuu yiri general Saxardiid.

Hase yeeshee ururka Alshababa ayaa sheegay inay dagaalkaa ku dileen in ka badan labaatan askari, isla markaana ay hub iyo gaadiid ay ka kaxeysteen saldhiga ciidamada ku lahaayeen Buulo Gaduud.

 

Advertisement