DHAGEYSO WAREYSI:- Jubbaland oo War ka soo saartay Weerarkii Lagu Qaaday Deegaanka Buula Gaduud

Nagala soo xiriir Email: jubbanews3@gmail.com

Aroornimadii hore ee saaakay ayaa Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab waxa ay weerar ku bilaawday qarax Ismiidamin ah ku qaadeen deegaanka Buula Gaduud ee gobolka Jubbada Hoose halkaas oo ay Gacanta ku hayeen Ciidamada Jubbaland.

Korneel Muqtaar Cabdi Maxamed oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Maamulka Jubbland ayaa beeniyay Warar ay Barta Internet-ka ku qoreen Al-Shabaab kaas oo ay ku sheegeen in qabsadeen Saddex gaari oo kuwa dagaalka ah.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in dhanka Jubbaland dagaal ka dhacay Buula Gaduud aysan ka soo gaarin khasaaro aad u weyn isla markaana ay iska difaaceen.

Wararkii u dambeeyay ee haatan nsoo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in xaladu iminka ay tahay mid degan,islamarkaana deegaanka Buula Gaduud ay ku sugan yihiin Ciidamada Jubbland.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Sarkaalka oo dhamestiran

Advertisement