Faah Faahin: dagaalkii Buulo Gaduud iyo Al-Shabaab oo sheegtay in askar fara badan ku dileen

Nagala soo xiriir Email: jubbanews3@gmail.com

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo saaka ka dhacay deegaanka Buulo Gaduud oo 30Km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda Hoose.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii Al-Shabaab ay weerar ku bilowday gaari qarax laga soo buuxiyay ku qaaday fariisin ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ku lahaayeen deegaankaas.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarka ay ku dishay in ka badan 20 askari, waxaana la warar soo baxaya ay sheegayaan in khasaare lixaad leh uu ka soo gaaray ciidankii la weeraray.

Dagaalka ayaa qaatay muddo saacado ah, iyadoo dagaalyahano fara badan oo ka tirsan Al-Shabaab ay xerada ciidamada gudaha u galeen.

Saraakiil ka tirsan Jubbaland ayaa sheegaya inay iska caabiyeen Al-Shabaab, ayna dib ula wareegeen deegaanka, balse waxaa ay qirteen in khasaare xoog leh uu soo gaaray.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalka ay kula wareegeen saddex gaari iyo saanad ciidan, waxaa sidoo kale ay tilmaamay in qaraxyo miino la eegatay gaadiid gurmad ahaa oo ka soo baxay Kismaayo, kuna soo wajahnaa Buulo Gaduud.

Weerarka Al-Shabaab saaka ku qaaday deegaanka Buulo Gaduud ayaa ah kii ugu xoogganaa ee ay ku qaado Ciidamada Jubbaland.

Xaalada deegaanka Buulo Gaduud ayaa degan, waxaa la soo sheegayaa in diyaarado ay dul heehaabayaan.

 

Advertisement