XOG: DFS Maxay Itoobiya Kaga Bedalatay Qalbi Dhagax?

Nagala soo xiriir Email: jubbanews3@gmail.com

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Itoobiya u gacangelisay Qalbi Dhagax ah oo ahaa muwaadin Soomaaliyeed,  ka tirsanaa hadda ONLF, sidoo kale ahaa sarkaal hore oo ciidanka xoogga dalka.

Xog iyo baaritaan dheeraad ah oo ay sameysay waakaaladda wararka ee Warqaad.com ayaa sheegeysa in dowladda Itoobiya ay wax ugu bedalayso Federaalka haddii Qalbi dhagax la siiyo.

Waxyaabaha DFS heleyso waxaa kamid ah in boqolaal qof oo Soomaali ah laga soo daayo xabsiyada Itoobiya, in DFS laga caawiyo la dagaalanka Al-shabaab, waliba sidoo kale loo tababaro ciidan adag oo Milatari ah.

DFS kama aysan fekerin waxa ay ka dhaxli karto dhiibista Qalbi dhagax, hase ahaatee hadda ayuu waaga ku baryay.

 

Advertisement