TOP DHAGEYSO:- Gudoomiye Cusmaan”Maamulka Gobolka Hiiraan Xilka Waa Laga Qaadayaa Hadii ay Taageeraan Cosoble”

Nagala soo xiriir Email: jubbanews3@gmail.com

Cismaan Bare Maxamed gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle ayaa sheegay in carqalada uu Madaxweynihii hore ee Maamulka Hir-Shabeelle uu Baladweyne ka wado aysan dhibaato u keeneyn Maamulka Hir-Shabeelle.

Waxa uu sheegay in ay waxba kama jiraan tahay hadalada ka soo yeeray Madaxweynihii Hir-Shabeelle ee ah in Xdhibaanada Hir-Shabeelle ay ku afduuban yihiin jowhar, isla markaana xoog lagu heesto.

Sidoo kale waxa uu uga  digay Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan hadii ay qaataan amarka Cali Cabdullaahi Cosoble lala xisaabtami doono xilkana laga qaadi doono sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay Masuuliyiinta Maamulka gobolka Hiiraan in ay qaataan wixii Sharci ah,isla mrkaana aysan taageerin waxyaabaha uu wado Cali Cabdulalahi Cosoble.

Hoos Ka Dhageyso Codka Cismaan Bare Maxamed

 

Advertisement