WAR CUSUB:- Amiirka Alshabaab oo Fariin Cusub soo saaray, Reer Muqdishana u sheegay inay…

Nagala soo xiriir Email: jubbanews3@gmail.com

Kooxda Alshabaab ayaa baahisay farriin cod ah oo uu soo dirya Amiirka guud ee Alshabaab Sheekh Axmad Cumar Abu Cubaydah.

Farriintan oo ahayd tii labaad ee Amiirka uu jeediyo tan iyo intii uu qabtay hoggaanka ururka ayuu uga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin dagaalka ka socda Soomaaliya, AMISOM iyo qorshaha Mareykanka ee Soomaaliya, isagoo dagaalamayaashiisa Bariga Afrika ugu baaqay inay sii wadaan jihaadka oo sabraan sida uu yiri.

Farriinta Sheekh Abu Cubayda oo uu ku jeediyay Soomaali ayaa lagu turjumay Luqadaha English-ka iyo Sawaaxiliga isagoo ku bilaabay duullaanka ay ciidamada shisheeye kusoo qaadeen dalka Soomaaliya iyo xasuuqii ciidanka Mareykanka ay dhawaan ka geysteen deegaanka Bariise ee gobolka Sh/Hoose.

Fariinta Amiirka Alshabaab oo cinwaan looga dhigay [ وعد الله لا يخلف الله وعده ] oo socotay muddo 27 daqiiqo ayaa Amiirka Alshabaab wuxuu sheegay in kale duullaanka Mareykanka iyo AMISOM ee Soomaaliya uu 10 sano jirsaday.

Wuxuu ka hadlay weerarkii dhowaan ka dhacay degaanka Bariire, taasoo muujineysa in farriin xilli dhow la duubay, isagoo yiri:

“Reer Muqdisho waa in ay ogaadaan Mareykanku in uu ku jiro aargoosi salka ku hayo jabkii ka gaaray Soomaaliya, Wuxuuna u hamuun qabaa xasuuqa Umaddan, waxaana deeqi waayey kumanaankii ay diyaaradihiisu ku laayeen xaafadaha Muqdisho.Reer Muqdisho waxaan leenahay waan idiinla dareemeynaa culeyska la idinku hayo, waxa loo dan leeyahayna waa in la idiin gumeeyo ee gunta dhiisha isaga dhiga, Allaah gargaar weydiista, Wiilashiina Mujaahidiinta ah wey idiin garab taagan yihiin ee gacan siiya si aan gumeysiga gaalada isaga dulqaadno”

Farriintan ayaa lagu soo beegay munaasbadda Ciidul Adxaa oo Alshabaab ay si weyn ugu dabaaldegeen maanta meelo badan oo ay ka taliyaan.

 

Advertisement