WARBIXIN: Maxaa ka run ah in Shabaab & Iiraan ay sameysanayaan hubka nuclear-ka?

Nagala soo xiriir Email: jubbanews3@gmail.com

Dowladda Soomaaliya ayaa dacwad lama filaan ah ka gudbisay Iiraan iyadoo ku eedeysay labo arin oo kala ah iney taageerto AlShabaab sidoo kalana ay dhaqaalo badan ka hesho Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa waxaa ku xusan in  Al-Shabaab ay Soomaaliya ka qodaan macdnata uranium-ka, kadibna ay u diraan dalka Iran.

Macdanta uranium-ka ayaa waxaa loo adeegsada sameynta hubka nuclear-ka, waxaana Wasiirka uu sheegay in arrintan ay tahay mid halis ah.

Warqadda uu qoray Yuusuf Garaad ayaa waxaa uu sidoo kale kaga codsaday Mareykanka in Soomaaliya la siiyo taageero milatari oo deg deg ah, si ay arrintan uga hortagto.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayay gaartay Warqadan, waxaana  ku saxiixan Yuusuf Garaad. Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka Axmed Cawad oo la hadalay taleefishinka Fox News ayaana xaqiijiyey sax ahaanshaha warqadda.

Warqadda oo ku taariikheysan 11-ka August ayaa Mareykanka uga digtay in Al-Shabaab iyo Daacishta Soomaaliya ay qabsadeen dhul ka mid ah bartamaha Soomaaliya, oo macdanta uranium-ka ka buuxdo.

“Arrintan waxaa lagu soo koobi karaa hal eray oo ah: Uraniam” ayaa lagu yiri warqadda.

“Maleeshiyada Al-Shabaab waxay qabsatay dhul badan oo macdanta uranium ay ka buuxdo, kuna yaala deegaanada Galmudug, si ay macdantaas ugu dhoofiyaan Iran” ayaa lagu qoray warqadda.

Warqadda Yuusuf Garaad ayaa uga digtay Mareykanka in iminka aan la joogin waqtigii dhinac kale loo jeesan lahaa, wuxuuna ka codsaday taageero sirdoon iyo mid milatari.

“Dowladda Mareykanka kaliya ayaa leh awoodda ay ku aqoonsato kuna burburiso Shabaabka ka howl-galaya Soomaaliya” ayuu lagu qoray warqadda.

Yuusuf Garaad ayaa ka digay in dhibaatadan aysan ahayn dhibaato Soomaaliya kaliya, balse ay tahay mid caalami ah.

Hoos ka arag warqadda

somalia-letter-1 somalia-letter-2

Advertisement