Safarka Xajka ee Soomaaliya, ciqaab caado noqotay

Nagala soo xiriir Email: jubbanews3@gmail.com

Waa maxay Xajku?

Xajku af ahaan waa u danyeelasho meel ama wax, waxa ka xoog badiyey macnahaas af luuqadeed macnaha kale ee sharci iyo caado oo ah in qof ama dad badan ay booqdaan Xaramka barakeysan ee magaalada makka Almukarama, iyaga oo raacaya hab gaar ah, tegeya waqti gaar ah, marayana shuruud iyo ficil gaar ah, kaas oo ka billaabanaya niyadda.

Waxa uu waajib ku yahay qof walba oo Muslim ah awoodana  in uu dhaqaale iyo caafimaad ahaanba soo guto xajka cumrigiisa oo dhan hal mar.

Waa tiirka 5aad ee tiirarka Islaamku ku dhisan yahay oo ah 5; tiir, xajku waxa uu leeyahay Waqti u go’an oo la guto, kuwaas oo aan tood xajku suuragal ahayn, waxa uu leeyahay meelo iyo boosas ay waajib ku tahay qofka xajinaya in uu ka xirto, kuwaas oo la’aantood aanay suurtagal ahayn howlaha xajku.

Xilliyada ama waqtigyada Xajku waa laga billaabo bilaha Shawaal, Dulqacda iyo tobanka hore ee bisha Dilxija.

Haddaba Jamhuuriyadda Soomaaliya waxa ay kamid tahay waddamada ay xujeydu ka aadan dhulka Barakeysan ee Xaramka , magaalooyinka Makka Madiina, sanadkan waxaa uu qorshuhu yahay in ay ka xajiyaan waddanka Soomaaliya tiro ku dhow 10.000 oo muwaadin, taas oo ah qoondada sanadkan ku soo aadday Soomaaliya, 3dii sano ee la soo dhaafay waxa qoonadada xujeyda Soomaaliya ahayd 7400, oo qof.

Adduunka oo dhan waddamada Islaamku waxa ay isu diyaariyaan sidii ay muwaadiniintoodu sanadkan gudanaya waajibka xajka ugu fududeyn lahaayeen safarkaas, balse Xujeyda Soomaaliya iyaga ayay waajib ku tahay in ay qabsadaan dhammaan wixii adeeg iyo dhaqaale ah ee uu safarka xajku u baahan yahay, taasi kuma cusba Soomaaliya ee muddo dheer ayuu sidaas ahaa safarka xajku; marka lagarab dhigo sanadihii lasoo dhaafayna hadda ayuu aad uga fiican yahay, sababtu waa in diyaarinta safarkan, iyo dhammaan wixii la xiriira ay shirkadaha duulimaadku gacanta ku hayaan oo aanay dowladda Soomaaliya kaalin ku lahayn, si gaar ah wasaaradda diinta, safaaradda Soomaaliya ee Sucuudiga iyo Ergada Soomaaliya ee xajka ee Sucuudiga, kuwaas oo dhammaantood howsha xajka uga dambeeya shirkadaha gaarka loo leeyahay ee duulimaadka, kuwaas oo in ay dhaqaale iyo faaiiido sameeyaan ay u tahay muhiimadda iyo yoolka koowaad, kan labaad iyo kan saddexaadba.

Sabab kale oo weyn ayaa ah in dalkugalka sucuudiga ee Xujeyda oo ah lacag la’aan aan laga heli kari guud ahaan Soomaaliya, sidaas awgeedna waxa loo qadaa waddamada Jubuuti iyo Kenya, taas oo ah culeys iyo dhibaato weyn oo sababa in qiimaha adeeggu ku kordha xujeyda.

Waajibka xajku waa mid kamid ah waajibaadka ay gudushadoodu ugu adag tahay uguna culus tahay waajibaadka ay diinta ISlaamku saarto dadka Muslimiinta, sidaas awgeed dowladaha qaarkood ayaa u fududeeya muwaadiniintooda sidii ay u heli lahaayen adeeg fiican oo u sahla gudahsha waajibka Xajka, halka waddamo kalana aanay xujeydu helin wax gacansiin ah oo k ayimaada dhinaca dowladda, markaasna waxa culueyska iyo dhibaatadu ku dhacdaa oo keli ah muwaadinka Xajinaya.

Waqtiga gudasha Xajka

Sanadkan 2017-1438; xilliga gudashada xajku waxa uu ku soo beegmayaa waqti adag, waxa uu billaabayaa billowga bisha Dilxijja oo ku beegan 23-Agusto-2017, waqtigaas oo ku aaddan dhammadka xilliga Xagaaga, waxa uuna soconayaa illaa dhammaadka maalmaha ciiddul Adxaa oo ku beegan 14-Dilxijja-1438 ama 5; September-2017.

Lacagta Safarka waajibka Xajka

Soomaaliya waa waddanka ugu qaalisan sida ay muujisay xogta aan helnay intii aan ku jirnay arruurinta macluumaadka la xiriir dhibaatada ay xujeyda Soomaaliyeed la kulmana marka ay gudanayaan waajibka Xajka.

Qiimaha sanadkan uu qofku ku tegeyo ugana soo laabanayo Xajka waa $3790.00, (Saddex kun todobo boqol iyo  Sagshn dollar), dadka caadiga ah, $800.00 (Siddeed boqol oo dolar), oo kamid ah lacagtaasi waa qiimaha Tigidhka, taas oo ka dhigan in Tigidhku la qiimo yahay ama dhan yahay qiimaha guud ee gudashada waajibka xajka oo dhan ee ya bixiyaan waddamada galbeedka Afrika.

Waxa jira qiime kale oo ay ku xajinayaan dadka dhaqaalaha badan, ama waxa looyaqaan VIP-da, lacag dhan 5600.00 ayay ku xajinayaan dadkaasi sanadkan.

Waxa jira wax la yiraahdo Ergada Xajka, ama   (بعثة الحج  ), Dadkaas dhammaan lacagta ay ku gudanayaan waajibka xajika waxa bixisa Boqortooyada Sucuudiga, waxaana la siiyaa dowladaha iyo dadka leh magaca iyo shaqsiyadda meteladdaa dowladaha, Tirada la siiyo tusaale Soomaaliya waxa ay u dhexeysaa 50-60; qof; balse waxa maamula shirkadaha diyaaradaha, iyaga oo sida ay muujisay xog-ururinta aan sameynay ay boosaska ergadaas ka iibiya dad caadi ah, qaar kalana siiya dowladda ama dad ay xiriir iyo wada-shqeyn leeyihiin.

Dal ku galka Sucuudiga ee Xujeyda.

Fiisaha lagu tago xajku waa lacag la’aan, sidaas oo ay tahayna habka ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee waajibka xajka u taga Dhulka barakeysani waxa ay dhibaato badan kala kulmaan  helidda fiisaha ama dal ku galka Boqortooyada Sucuudiga, taas oo sababta in mararka qaar ay xajka seegaan dad badan oo bixiyey lacagtii tigidhka iyo dhammaan adeegyada la xiriira adeegga daabulidda xujeyda, deegaanka iyo wixii fududeyn ah.

20; dulqacda illaa 8-Dilxija ayaa ah xilliga ugu badan ee  duulimaadka xajku socdo, 4ta dilxija ayaa ugu dambeysa xilliga duulimaadka shacbka xajinaya, 5;ta Dilxija waxa billowda duulimaadka madaxda iyo diblomaasiyiinta soo gudanaya waajibka Xajka.

Diyaaradaha Jubba iyo Daalo oo si gaar ah u heysta daabulidda xujeyda ayaa mid walba waxa ay qaadi kartaa halkii mar 180-200; oo qof.

Khadadka Duulimaadyada

Duulimaadyada qaada xujeyda Soomaaliyeed waxa ay maraan 3; khad duulimaad, kuwaas oo kala ah:-

Muqdisho-Jidda

Muqdisho-Jibuuti- Jidda

Muqdisho-Hargeysa-Jidda

Xujeyda ayaa duulimaadyadan qaarkood kala kulma dhibaato weyn iyo dib u dhac dhanka adeegga oo aad u liita.

Ballamaha Duulimaadka Xajka

Sida lagayaabo in dad badan ay kala kulmaan duulimaadyada sida dib u dhac, daahid iyo macluumaad la’aan, waxa xujeyda Soomaaliyeed la kulmaan dhibaato ka weyn kuwaas, sida ay muujisay xog aan helnay, Xujeyda ayaa tusaale ahaan la ballamiyaa in ay galaan garoonka ama gegida diyaaradaha 7:00am, waxaase dhacda in ay baaqdaan ama ay helaan duulimaadka 2:00pm, qaarkood marka ay tegayaan gegida ama Garoonka waa ay u lugeeyaan ama waxa ay la kulmaan dhibaato dhanka xog la’aanta, adeegga cuntada oo qof walba ay tahay in uu iska bixiyo.

Xujeyda marta Jibuuti waxa ay kamid yihiin kuwa ugu daran ee la kulma mashaakilka dhanka duulimaadka,waxa lagu rogaa gegida Jibuuti; waxaana lagayaabaa in ay habeen iyo malain joogaan halkaas iyaga oo aan wax xog iyo xaraf ah ka hayn safarkooda maritaanka Jibuuti.

Baasaboorka

Marka la soosaaro Fiisaha xajka ee Baasaboorada dib loo soo celiyo waxa dhaca dhibaato weyn, waxa la isku qaldaa magacyada qaarkood, taas oo keenta in xujeyda qaarkood laga soo celiy garoonka Jidda.

Qaybinta Tigidhada ayaa iyana waxa ka jira dhib weyn sida helidd tegidhka oo u baahan in xaajigu maro mashaakiil, sida in uu raadiyo qof uu weji yaqaan ama bar garanayo, saf dheer ayaa loo galaa si loo helo Tigidhka, iyada oo qof  walbaa bixiyey wixii lacag ah ee looga baahnaa ayaa haddana waxa ay dadka xajka tegeyaa u baahan yihiin in ay dadaal iyo galangal badan sameeyaan si loo siiyo tigidh.

Tegidda magaalada Jidda

Duulimaadyada diyaaradaha Jubba iyo Daalo ee taga Jidda waxa ay halkii duulimaadba qaadaan 180;oo xaaji, balse marka diyaaraddu gaarto Jidda, garoonka ama gegida jidda waxaa ugu diyaarsan 4; Bas oo kiiba qaado 40; qof oo keli ah, sidaas awgeed waxa ay qaadaan 160; waxaana garoonka looga tagaa 20; qof oo ay tahay in ay iska bixiyaan dhammaan wixii kharash ah ee ay u baahdaan muddada ay joogaan garoonka Jidda, taas oo ku qaadan karta maalin iyo habeen ama ka badan, sida bixinta kharashka Jiifka, Cuntada iyo adeegyada kale.

Deegaanka Xujeda.

Waa mid kamid ah caqabadaha waaweyn ee ay la kulmaan Xujeyda, xogta aan helnay waxa ay muujisay in ugu yaraan 10; qof  la wada dejiyo hal qol iyo musqul ama suuli keli ah,  taas oo xujeyda Soomaalidu ay dhibaato nololeed kala kulmaan , sababta ugu weyn ee dhibaatadu uga jirto dhanka deegaan waa shirkadaha duulimaadyada Soomaaliya ee sida gaark aloo leeyahay oo kireysta guryo raqiis ah kadibna qolkiiba dhiga ku dhowaad 10; sariirood, iyada oo ujeedku yahay raadinta faaiido iyo lacag badan.

Xog la’aanta

Waa mushkiladda ugu weyn ee horseedka u ah dhammaan dhibaatada ay safarka waajibka xajka kala kulmaan xujeyda ka xijisa Soomaaliya, sida loo sii wado ayaa meel aan munaasab ahayn la dejiyaa, kadibna qofkii hela qof horay u soo xajiyey ama qof mutadawac ah oo horkaca ayaa nasiib yeesha.

Xajka waxa ay Soomaali badani tagaan iyaga oo da’ah ama aan lahay wax aqoon ah oo ku saabsan cibaadada xajka iyo hannaanka waajibkaa ay tahay in loo guto, taasina waxa ay keentaa in qofku la kulmo dhibaato u gaar ah oo aanay la qabin xujeyda waddamada kale ka tiaadda.

Safaaradda iyo Ergada xajka ee Soomaaliya ayaa magac u yaal ka ah arrimaha xajka iyaga oo hadba sidii ay doonaan u yeela shirkadaha duulimaadka, taas oo sabab u ah in aan Xujeydu Soomaalidu heli wax xog  ama jiheyn ah aaddaama ay meesha ka maqan tahay kaalinta dowladda Soomaaliya.

Cuntada saddaqada ah

Dad badan oo samafalayaal ah ayaa Xujeyda ku deeqa cunto iyo cabid saddaqo ah balse dhibaatadu waxa ay ka timaaddaa sida ay xujeyda Soomaaliyeed qaarkood u adeegsadan cuntada oo ah in ay qaataan cunto badan oo ay soo reebaan ama ay ku wasaqeeyaan deegaanka.

Safaaradda iyo Ergada Xajka ee Soomaalida

Kaalinta safaaradda iyo Ergada Xajka ee Soomaaiya maba jirto oo wax door ah kuma laha shaqada iyo adeegga xajka ee Xujeyda Soomaalida, shaqadaasna billow illaa dhammaad waxaa maamusha shirkadaha diyaaradaha oo dabcan ah ganacsato faaiido doon ah, ayna yartahay in ay ka fakaraan meel aanay faa’iido ka heli Karin.

Ka soo noqoshada Xajka

Dhibaato kale oo aan ka yareyn dhibaatada ay xujeuydu ka kulmaan marka ay xajka tegayaan ayay ka kulmaa marka ay ka soo noqonayaan Xajka, waxa kamid ah in aay wax macluumaad ah ka haysan xilliga ay noqonayaan iyo waqtiga uu duulimaadkoodu diyaarka yahay, Xujeyda qaarkood ayaa sahaydu ka go’daa iyaga oo aan soo noqon, taas oo sababta mashaakil weyn oo uu la kulmo xaajigu.

Xalka

Ergada Xajka ee Soomalaiya iyo Safaaradda Soomaaliya oo qaadata kaalinteeda ayaa ah xalka ugu fiican ee ka iman kara gudaha Waddanka Sucuudiga halka hagaajinta shaqada daabulidda iyo diyaarinta xujeyda ee Waddanka Soomalaiyana ay tahay xalka ugu fiican ee ka iman kara gudaha Soomalaiya.

Sameynta hab ay raacaan shirkadaha duulimaadka oo ay muwaadiniin Soomaaliyeed si gaar ah u sameyteen, kuwaas oo daboola baahi weyn.

Dhibaatada waxa ay timid markii ay Shirkaduhu noqdeen cidda keli ah ee adeeggaas bixin karta islamrkaana korjeegteysa oo ay maqan tahay kaalinta dowladda oo ah in ay ka shaqeysiiso canshuurta ay qaadato ee ka timaadda shirkadaha una sahasho in ay safarka xajka iyo kuwa kalaba hagaajiyaan.

sameynta goobo gacan ku sameys ah oo leh astaamaha iyo buuraha barakeysan ee Xaramka, kuwaas oo dadka lagu sii tababaro kahor inta aanay tegin xajka, si ay ugu yaraan fikrad guud uga helana xajka iyo waxa uu yahay.

XIGASHO MUSTAQBAL RADIO

 

Advertisement