WAR DEG DEG AH:- Ciidamada dowladda oo la wareegay degaanka Abal

Nagala soo xiriir Email: jubbanews3@gmail.com

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Goor dhow la wareegay degaanka Abal ee gobolka Bakool.

Degaanka Abal ayaa labadiisa dhinac , waxaa ku sugan ciidamada uu hoggaamiyo wadaadka Sheekh Mukhtaar Roobow iyo sidoo kale ciidamada Al-Shabaab oo dagaallamayay maalmihii lasoo dhaafay.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa xaqiijiyay in hadda halkaasi ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda.

Al-Shabaab ayaa dhawaan weerar ku qaaday Sheekh Mukhtaar Roobow oo mudooyin badan ku sugnaa degaankaasi.

Ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa u gurmaday Sheekh Mukhtaar.

 

Advertisement