Arrin Cusub oo Muqdisho lagu arkay iyo Ciidanka Xasilinta oo Weji Cusub la soo baxay

Nagala soo xiriir Email: jubbanews3@gmail.com

Ciidamada Xasilinta caasimadda ayaa qaab cusub kusoo daray howlgalka lagu sugayo ammaanka guud ee magaalada.

Markii hore waxay ciidana baarayeen oo kaliya gaadiidka iyo sidoo kale ragga oo lasoo dejinayey.

Balse hadda waxaa howlgalka lagu soo daray dumarka, waxaa la keenay ciidamo Haween ah, waxaa lasoo dejinayaa haweenka, waxaana la gelinayaa qol yar oo koontaroolada laga ag sameeyay laguna baarayo haweenka rakaabka ah.

Tani ma aanay dhicin intuu uu socday howlgalka Muqdisho, xitaa dowladihii dalka soo maray haweenka waa ay ka leexan jireen, balse waxaa hadda la muujiyey in amniga cid walbo loo baarayo, muwaadniintana aanay kala xaq badneyn.

 

Advertisement