WAR DEG DEG AH:- Dil goor dhaw ka dhacay Degmada Heliwaa

Nagala soo xiriir Email: jubbanews3@gmail.com

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa lagu soo warramayaa in Askari ka tirsanaa Ciidanka Minishiibiyada ee qaabilsan Uruurinta Canshuuraha ku dileen Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in dilka uu ka dhacay Suuqa Degmada Heliwaa , iyadoona Askariga la dilay ay Kooxihii geystay falkaas ka qaateen Qorigiisii.

Dilka Askarigaasi ayaa waxaa xaqiijiyay Guddoomiye ku xigeenka dhinaca  Amniga degmada Heliwaa Abshir Karaan kaas oo Magaca Askariga la dilay ku soo koobay Shaafici.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa intaas ku daray in Ciidamda Ammaanka degmada Heliwaa ay meesha wax ka dhaceen ka sameeyeen howlgal ay ku soo qab qabteen tiro dad ah oo lala xiriirinayo dilkaas.

Walow dadka deegaanka ay sheegeen in kooxihii ka dambeeyay dilka Askariga Ciidamada Minishibiyada ka tirsanaa ay isaga baxsadeen halka ay ka geysteen falkaasi dilka ah ee Suuqa degmada Heliwaa.

 

 

Advertisement