Shariif Xasan oo ku wajahan Magaalada Xudur iyo Arrin Cusub oo la ogaaday

Nagala soo xiriir Email: jubbanews3@gmail.com

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa ku waramaya in Madaxweynaha Maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan uu qorsheynaayo safar inuu ku tago Magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.

Xudur hadda waxaa jooga Saraakiisha ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed oo uu hoggaaminaayo Taliyaha Booliska gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Shiine Macalin Nuur iyo Taliyaha ciidanka Xoogga dalka ee Gobolka Bakool Maxamed Xasan Tima Cadde.

Saraakiisha Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa ku waramaya safarka Madaxweyne Shariif Xasan in la qorsheeyay suuragalna ay tahay maanta ama beri inuu u ambabaxo Magaalada Xudur.

Ujeedada socdaalka Shariif Xasan uu ku tagaayo Magaalada Xudur, ayaa lagu soo waramayaa inay la xiriirto arimo ku saabsan dhiiragelinta ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ee Magaaladaasi ku sugan, xilli ciidamada qayb ay ka yihiin dagaalka u dhaxeeya Abuu Mansuur iyo Al Shabaab.

Wasiirka amniga Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Eelay oo maalin ka hor tagay Degmada Xudur, ayaa halkaasi wuxuu gaarsiiyay saanad ciidan oo loogu talo galay ciidamada gurmadka u fidinaya Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo Shabaab ay isku hayaan duleedka Degmada Xudur.

Saanada Ciidan ayaa waxaa loo qaybiyay Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed oo Taliyeyaashooda Xudur ay joogaan, iyadoo Wasiirka amniga Koonfur Galbeed uu balan qaaday ciidamada aanan haysan hubka inay deg deg ku soo gaarsiin doonaan hub.

Koonfur Galbeed ayaa ahmiyad wayn waxa ay siinaysa sidii gurmad xooggan loogu fidin lahaa wadaadka gooni goosadka ee Abuu Mansuur Roobow oo Shabaab ay go’aamiyeen nolol ama geeri in lagu keeno.

 

Advertisement