WAR DEG DEG:- Jubbaland oo soo saartay Amar adag & gacansatada oo….

Nagala soo xiriir Email: jubbanews3@gmail.com

Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha ee Maamulka Jubbaland Fariid Jaamac Suleymaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in gacansatada looga baahan yahay in aysan degaanada Jubbaland keenin raashiinka dhacay.

Fariid Jaamac Suleymaan waxa uu sheegay in ay jiraan ganacsato doonayo in ay raashiin dhacay dadka shacabka ah ka iibiyaan.

Waxa uu xusay in ay muhiim tahay in ganacsatada ay ka taxadaraan waxyaabaha ay u ganacsi keenayaan degaanada Jubbaland.

Wasiirka ayaa Ciidamada Booliiska Jubbaland ku amray in ay gacanta ku soo dhigaan ganacsatada raashiinaka dhacay dadka shacabka ah ka iibinaya.

 

Advertisement