Guddoomiye Thaabit oo eedeyn u jeediyay Dowladda dhexe..

Nagala soo xiriir Email: jubbanews3@gmail.com

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay dhaqaalaha soo gala dowladda Hoose ee Xamar.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulkiisa dhaqaalo badan uusan ka soo gelin Dowladda hoose balse waxa uu tilmaamay in Dowladda dhexe dhaqaalo fara badan ay ka hesho Dowladda Hoose.

Waxa uu xusay in dhaqaalaha yar oo ay helaan in ay ku dadaali doonaan iney ku maareeyaan howlaha muhiimka ah oo ay u baahan yihiin shacabka Gobolka Banaadir.

Waxa uu tilmaamay in shacabka Gobolka Banaadir ay heystaan fursad ay Maamulkooda kula xisaabtai karaan oo ah dhaqaalaha soo gala iyo meelaha ay ku baxaan.

Guddoomiye Thaabit ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay ineysan jiri doonin wax masuq maasuq ama isdaba marin ku aadan dhaqaalaha soo gala Gobolka Banaadir,islamarkaana ay ka taxadari doonaan.
Dhawaan ayay ahayd markii Maamulka Gobolka Banaadir uu daah furay Barnaamij loogu magac daray Maareynta Maaliyadda dadweynaha.

 

Advertisement