AKHRISO:- Wararkii ugu dambeeyay ee Qaraxii ismidaaminta ahaa ee ka dhacay Gudaha Xabsiga dhexe ee Xamar

Nagala soo xiriir Email: jubbanews3@gmail.com

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay gudaha Xabsiga dhexe e Xamar.

Qof isa soo miidaamiyay  ayaa waxa uu isku dayay in uu isku qarxiyo taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Gaas Xuseen  Cusmaan.

Taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliyeed  Sareeye Gaas Xuseen  Cusmaan oo ah oo lala beegsaday qaraxasi ayaa xaqiijiyay in uu bad qabo oo uu qaraxa ka badbaaday.

Taliyaha ayaa sheegay in uu khasaaro badan ka dhashay qaraxa isla markaana ay ku dhinteen qaar ka mid ah ilaaladiisa iyo Askar kale.

Sidoo kale Hay’addaha amaamnka ee Dowladda ayaa xaqiijiyay in uu halkaasi ku dhintay askari ka tirsan ciidamada Amniga oo ka hortagay qaraxa.

Ciidamada Amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goobtaasi ka wada howlo baaritaano ah waxaana halkaasi gaaray mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dowladda.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ninka weerarkan gaystay uu ka tirsan yahay ciidanka tababarka u xareysan, waxaana la leeyahay wuxuu ka soo gudbay laba bar kontorool oo dadka lagu baaro.

Waxaa su’aalo laga keenay qaabka ninkaasi ay ugu suurtagashay inuu gudaha u galo Xabsiga Dhexe ee Xamar, oo amnigiisu si aad ahi loo ilaaliyo.

 

Advertisement