DAAWO VEDIO :- Koonfur Galbeed oo Wasiir u dirtay halka uu Abuu Mansuur ku sugan yahay

Nagala soo xiriir Email: jubbanews3@gmail.com

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Amniga ee Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa Khamiistii gaaray Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Wafdiga uu hogaaminayo Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay) oo ka amba baxay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, ayaa waxaa lagu wadaa inay gaaraan duleedka Magaalada Xudur, oo uu ku sugan yahay Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).

Xoogaga Al Shabaab, ayaa Arbacadii dagaal culus ku qaaday Deegaanka Abal, oo uu ku sugan yahay Mukhtaar Roobow Cali, ka dib markii uu ku gacan seyray in uu ururka dib ugu soo laabto. Abal waxay qiyaastii 18km u jirtaa Magaalada Xudur.

Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka Amniga ee Koonfur Galbeed, ayaa waxaa saacadaha soo socdo lagu wadaa inay gaaraan Deegaanka Baano oo 8km u jirta Xudur, halkaasoo ay ku sugan yihiin Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeede.

Ciidamada Koonfur Galbeed, ayaa waxaa uu ujeedkoodu yahay inay u gurmadaan Abuu Mansuur, haddii culeys xoogani uu kaga yimaado maleeshiyada Al Shabaab.

Wasiir Xasan Eelaay oo wareysi siiyay VOA, ayaa ku waramaya in Abuu Mansuur uu weli ku sugan yahay dhulkii uu horey kaga joogay Gobolka Bakool, sidoo kalana ay Shabaabku ka ag-dhow yihiin goobtaasi.

Xasan Eelaay waxaa uu muujiyay inay ka go’an tahay in gacan loo fidiyo Abuu Mansuur, si looga badbaadiyo hujuumka Al Shabaab.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa dhawaan sheegay inay soo dhaweynayan Abuu Mansuur, madaama uu garowsaday inaanu ka sii mid ahaan Al Shabaab.

Advertisement