Al-Shabaab oo sheegtay Qaraxii ka dhacay Wadada Maka Al Mukarama

Nagala soo xiriir Email: jubbanews3@gmail.com

Ururka Al Shabaab, ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxii xooganaa ee xalay ka dhacay Wadada Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Ururka Al Shabaab, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in qaraxaasi oo ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, lana soo dhigay wadada dhinaceeda ay la beegsadeen gaadiid, ay la socdeen Ciidamada Xasilinta Caasimadda.

Shabaabka, ayaa qoraalkoodan ku sheegay in qaraxaasi uu dhimasho iyo dhaawacba ka soo gaaray Ciidamada Xasilinta, inkastoo aanay tiro rasmi ahi sheegin.

Sida qoraalkan lagu sheegay gaariga qarxay, ayaa waxaa la soo dhigay agagaarka Xarunta Laanta Socdaalka & Jinsiyadaha ay ku leedahay Wadada Maka Al Mukarama.

Hase yeeshee Afhayeenka Wasaaradda Amniga, Axmed Maxamed Maxamuud (Sayid Carab) oo Saxaafadda kula hadlay goobtii uu qaraxu ka dhacay, ayaa beeniyay in wax khasaaro ahi uu qaraxaasi sababay.

Afhayeenka, ayaa tilmaamay in ciidamada ammaanka ay fashiliyeen qaraxaasi, isla-markaana ay ku ammaanan yihiin sida ay kaga hortaggeen qaraxa, oo la doonaayay in dad badani lagu dhibaateeyo, sida uu yiri.

Goobjooge-yaal, ayaa sheegay in ninkii gaarigaasi la socday uu goobta ka cararay, ka dib markii uu gaariga u qarxi waayay, dadkii goobtaasi ka ag-dhawaana ay ku wargeliyeen ciidamada ammaanka. Ciidamada miino baarista oo lagu wargeliyay gaarigaasi oo laga shakisnaa, ayaa qarxay, ka hor intii aysan halkaasi soo gaarin kooxaha miino baarista ku shaqada leh.

Qaraxan, ayaa qayb ka ah silsilado qaraxyo ahaa oo toddobaadyadii la soo dhaafay ka dhacayay Wadada Maka Al Mukarama, oo ah midda ugu mashquulka badan ee Magaalada Muqdisho.

 

Advertisement