Faallo:- Barlamaanka 10-aad

Nagala soo xiriir Email: jubbanews3@gmail.com

Waxaa lagu soo doortay Barlamaanka 10aad xarumaha dawlad-gobolleedyada dalka.Hannaanka iyo maamulka lagu soo doortay xubnaha, waxaa lagu tilmaamaa kii ugu musuqmaasuqa badnaa taariikhda Somalia. Laaluush, boob cad iyo gacan-qabad baa loo wada-adeegsaday xulitaankiisii. Marka laga eego xagga aqoonta,biseylka siyaasadda iyo dareenka wadaniyadda ee xubnaha Barlamaanka maanta waa ay ka hooseysaa kii ka horreeyey. Waxaa lagu xantaa inay qiimaha laaluushka bixin/qaadasho gaarsiiyeen meeshii u sarreysay!!

Qaabka hab-dhaqankooda waxaa ka muuqda inay ku heshiiyeen inay;wadar ahaan isugu hiiliyaan, wada-qaraabtaan, kalana qaraabtaan. Waxaad arkaysaa ayagoo go’aanka Maxkamadda Sare wadajir uga soo hor-jeesanaya, miisaaniyadda dawladda si aqlibiyad ah u hor-istaagaya oo shuruudo daneed(gaar ah )ku xiraya,isla markaana koox koox ahaan(10-12 Xildhibaan)u qaraabanaya oo Wasiirada sida kan Dastuurka iyo kan Arrimaha Dibedda mooshin ka keenaya.

Hawlo mudnaan gaar ah ee qaran leh, sida dhammeystirka qabyo-qoraalka dastuurka iyo kuwo kale oo badan oo saameyn ku leh masiirka dadka iyo mustaqbalka dalka baa u yaal Baarlamaanka 10aad oo dhalashadiisii iyo dhaqankiisaba saluugmo badani ka muuqdo.

Allow Somalia ka caymi hagar-daamada gudaha oo uga hiili halista cadawga dibedda.

—Dhammaad—

 

Advertisement