Faallo:- Iyagoo muslima iyo maraykan illeen maydkaygu dul yaal midh kuma aha. W/Q. Khabiir Faarax Maxamed Gaambe

Nagala soo xiriir Email: jubbanews3@gmail.com

Dareenka Soomaalinimo waxay ku dhan yihiin kuna faahfaahsan tahay suugaanta afkayaga qaaliga ee ku jira luqadaha ugu faca wayn ee caalamka .
Waa ii damqasho iyo dareen fog macnaha erayada mawduuca kor ku xusan haddii sidayda loo wada dareemayo .

Soomaaligu wuxuu kaga hadlaa suugaanta manta iyo barritaba waxaana kuu fasiraya erayada kor ku xusan ee muujinaya halka uu soomligu milgo ku lee yahay waa tuduc u fiirsi leh oo la soo tabiyay lixadameeyadii.

Waxaase manta cad in la joogo maalmo ka duwan shalayto haddana eraydani fasirayaa waxa maanta jooga.

Bal macnee furfur oraahaha ku lammaan tuducdaan iyagoo muslima iyo maraykan illeen maydkayga dul yaal midh lama aha !!!!

Waxaan arkay burburkii ka dib hay’ado maraykan ah oo gargaar wada iyo kuwa muslim ah oo soo tarxiilay soomaalidii ka qaxday colaaddihii sokeeye ee waqtiga dheer nagu qaatay .

Muslim tarxiilkiisa iyo gargaarka maraykan labaduba maydkayga dul yaal midh lama ah.

Manta soomaaliyeey waxaa mudan in aynnu annagu isku tashanno, illowno wixii dhexdeenna ah ee geel la kala qaaday , ama dhiig laka galay.

Shisheeyana sheela duda ma leh. Soomaalaay aan kla toosno hurdad aan ku jirno ee nala seexiyay . aan u ku toosno danta dalka ,dadka diinta iyo difaaca Soomaalinimada .

Soomaaliya ha soo noolaato

Guul Maansha Allaah

W/Q. Khabiir Faarax Maxamed Gaambe

 

Advertisement