Imisa Taageerayaal Ah Ayuu Barta Twitter-ka Ku Leeyahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Thaabit Cabdi Maxamed? (Xog Aad U Baahan Tahay)

Nagala soo xiriir Email: jubbanews3@gmail.com

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ah mid kamid ah siyaasiyiinta farakutiriska ah ee dhallinyaranimada siyaasadda kusoo galay.

Sidoo kale waxyaabaha uu kaga duwan yahay siyaasiyiinta kale waa la falgalka dhallinyarada iyo dadka kale, isagoo adeegsanaya baraha bulshada.

Barta Twitter-ka dadka qaar marka ay ku eegaan Facebook-ga waxa ay ku tilmaamaan in ay tahay goob akhiyaareed, iyo meel ay dadka wanaagsan iskugu imaadaan, maadaama keliya lagu kala faa’iido xogaha ugu dambeeya ee adduunka iyo daafihiisa jira.

Thaabit waxa uu kamid yahay siyaasiiyinta iyo mas’uuliyiinta dhifka ah ee si iskooda u isticmaala baraha bulshada, ugumana jirto barta la yiraahdo Twitter.

Haddaba Su’aasha mudan in la iswayddiiyo ayaa ah Imisa taageero ama Raacayaal (Followers) ayuu leeyahay mudane Thaabit Cabdi Maxamed oo ah guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho.

Bishii December sannadkii 2011-kii ayuu kusoo biiray bartan, sidoo kale waxaa uu isaga ku darsaday ama uu doontay in uu la saaxiibo inkabadan 847-qofood, halka iyaga ay kusoo darsadeen ama ay taageerayaal u yihiin inkabadan 10,400-qofood.

Mudii Shanta Lixda sanno ahayd ee uu isticmalaayay adeegga Twitter, Thaabit wuxuu soo qoray inkabadan 1,904-Post,(Qoraal), taas oo muujineysa sida uu ugu xeran yahay la falgalka dadka baraha bulshada.

 

Advertisement