FAALLO XIISO BADAN:- Mooto Bajaajtu ma dhib baa mise waa dheef?

Nagala soo xiriir Email: jubbanews3@gmail.com

Mootada 3-da lugood leh ee hadda loo yaqaan Mooto Bajaaj oo ay Dadwaynuhu kiraystaan, waxa ay dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho ku soo bilaabatay 1950-meeyadii waxaana markaasi la oran jiray Taksi Aabbe (Taxsi Appe), waxaana lagu arki jiray goobo gaar ah, balse waxaa uu sii dabar go’ay laga soo bilaabo 1990-meeyadii ilaa iyo 2015-kii, waxaase lagu soo baraarugay sanooyinkaan dambe, waxayna ka noqontay gaadiidka loogu isticmaal badan yahay Magaalooyinka dalka Soomaaliya.

Badnaanta ay ku soo badanayaan Magaalooyinka ayaa waxay kaalimaha Hore ugu jirtaa gadiidka loogu jecel yahay raacitaankooda oo ay si aad ah u isticmaalaan Haweenka, Caruurta, Dhallinyarada iyo Waayeelkaba ,si gaar ahna dadka danyarta ah , taasina waxay ku kasbatay lacagaha lagu kireysto oo dadweynaha raali galiyey.

Mooto Bajaajtu waxaa la og yahay in ay ka shaqeystaan in ka badan 11 kun oo dhalliyaro ah, taasi oo u ah shaqo abuur aad u ballaaran, waayo waxaa ku mashquulsan Dhallinyaro badan oo ka raadsada nolol maalmeedkooda.

Shalay ayay aheyd markii ay Dhallinyarada ku xamaasha Gaadiidka loo yaqaan Mooto Bajaajta ay sameeyeen Banaanbax, balse isu rogay shaqaaqo ay dad ku geeriyoodeen in kalena ku dhaawacantay ka dhigeen Isgoyska Lambar 4 ee Magaalada Muqdisho, arrintaasi ayaa lagu tilmaamaaa inay ahayd mid aan loo baahnayn in ay xuquuqdooda ku raadiyaan fowdo iyo qas waxaase la dhihi karaa waa ku fududaadeen arrinkaasi, waxaase loo bahan yahay inay ka feejignaadaan inaysan taasi oo kale dhicin.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Taabid Cabdi Maxamed oo goor dambe soo gaaray goobtii ay ku dibad baxayeen Dhallinyaradaasi ayaa kula hadlay goob ay isugu yimaadeen Wadayaasha Mooto bajaajyada ka shaqeeya Magaalada Muqdisho, isagoo u muujiyey inuu garab taagan yahay dhallinyarada ku shaqaysta Mootooyinkaasi, wuxuuna dhex galay dhalinyaradii dhigayay banaanbaxa, kana dhageystay cabashadooda waxana uu u sheegay in uu wax ka qaban doono arrimaha ay ka cabanayaan balse loogaga baahan yahay dhalinyarada ku xamaalata Bajaajta inay kala shaqeeyaan maamulka dhowrida ammaanka.

“Dhallinta bajaajta wadaay, ma dhaceyso in la idin dulmiyo, ee waxaan diyaar u nahay difaaciina, ee idinkana kaalinta sugida ammniga qaata oo iska diiwaangeliya degmooyinka aad ka howlgashaan si berri marka wax idin gaaraan ay idiin caawiyaan” ayuu yiri Guddoomiye Taabid.

Dhalinyaradii banaanbaxa dhigayay ayaa u sacaba tumay guddoomiye Thaabit waxayna ballanqaadeen inay la shaqeyn doonaan maamulka Gobolka Banaadir balse ay ka rajeynayaan in wax laga qabto cabashadooda, halka qaarkoodna ay bilaabeen inay sawiro ka qaataan oo mobayladooda ku sawirtaan guddoomiye Taabid.

“Waxaan ka cabanaynaa annagoo dhiibna lacagta canshuurta in lacago baad ah meelaha qaar nalooga qaado,sidoo kale waddooyinkii aan mari jirney waa la soo koobay ee sidee ayaan u shaqeysanaynaa.” ayuu yiri mid ka mid ah dhallinta banaanbaxa dhigeysay.

Darawalada iyo milkiilayaasha bajaajleyda ayaa hore dhowr jeer u dhigey banaanbaxyo ay kaga cabanayaan dhibaatooyn haysta, balse waxaa looga baahan yahay in cabashadooda ay ku gudbiyaan si nabad ah oo aan wadan wax shaqaao ah, waayo waxaa la yiri qasku waxa uu ku gafsiiyaa waxaad xaqa u leedahay, waxaa kaloo xusid mudan sida uu ula dhaqmay Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Taabid dhallinyaradaasi, isagoo ugu laab qaboojiya ina wax laga qaban doono cabashadooda.

Haddaba Mooto Bajaajtu ma dhib baa mise waa dheef?, haddii aan ka eegno dhinaca wanaagga waxaa la dhihi karaa waa lagu dheefsadaa, oo waa la wada ogsoon yahay waxqabadkeeda, balse dhinaca kale waxaa jira dhaliilo ku aadan dhinaca nabadgalyada, oo loo bahan yahay in taasi si weyn la isaga ilaaliyo.

W.Q. C/llahi Ruush

 

Advertisement