Faallo Xiiso badan oo laga diyaariyay Wasiir Xoosh Jibriil

Nagala soo xiriir Email: jubbanews3@gmail.com

Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya wuxuu sas ka qabaa sarreynta sharciga iyo ku dhaqanka Dastuurka . Wuxuu u dhaqmaa sidii ayadoo uu dalka ku haysto Af-duub iyo burcadnimo an gabasho lahayn.  Waxaa xaalkiisa sii xumeeyey hoggaan jilicsan ee daneysi iyo damiir la’aani dilootay.  Hal-ku-dheggiisu waa: Maxaan Xildhibaan-nimada ku qabsanaa ayadoon xeer iyo xishood toona na dabrayn!  Waxaa ka hor muuqda Kharaj ay galeen iyo Laaluush laga qaatay waqtigii campaign-ka oo ay qabaan inay xaq tahay inay ku soo ceshadaan awoodda kursiga.  Si xishood-darro ka muuqato bay marar badan si furan ugu hadaaqaan “Kursigu deyn buu qabaa”.  In badan oo Baarlamaanka ka tirsani beeca codkooda iyo dallaalnimadooduba ma qarsoona.  Qiyaastayda,hal-ku-dhagga dawladda ee “Danta Dalka iyo Dalka” iyo hiigsiga Baarlamaanku waa kala haab.

Baarlamaanku wuxuu si cad ganafka ugu dhuftay oo uu diiday go’aankii Maxkamadda Sare ee ahaa ee ahaa in lagu noqdo doorashada 8 kursi ee la soo boobay.  Wuxuuna dhayalsaday dhawaaqii Xeer-Ilaaliyaha Qaranka iyo tallo-bixintii Gar-Yaqaanka Guud ee Dawladda ee isla arrintan kuraasta la soo boobay la xiriirtay.  Intaa kaddib waxaa hadlay Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka digay sida aqoon la’aanta iyo indho-adaygu ka muuqato ee Baarlamaanku ugu gefayo Dastuurka iyo Shuruucda dalka .

Ugu dambeyn waxaa waano iyo tallo-bixin dhiibay Wasiirka Dastuurka ee dalka Mudane Xoosh Jibril oo yiri “Waa gef an loo miidaan dayin in Barlamaanku ka hor yimaado go’aanka Maxkamadda Sare ee la xiriira kuraasta la boobay . Halkaas waxaa ka muuqda Baarlamaanka oo dagaal ba’an kaga soo horjeeda in Soomaaliya ay noqoto dal sharcigu ka taliyo. Haddaba maxaa gudboon?  Anigu waxaan qabaa inay bannaan tahay in Barlamaanka la kala diro intaysan Soomaaliya kala dirin.

Hambalyo iyo bogaadin Wasiir Xoosh Jibriil.  Waad ku qumanayd soo-jeedintaadii la xiriirtay illaalinta Dastuurka dalka iyo talladaadii ahayd in Barlamaanku illaaliyo sarreynta sharciga dalka.  Ha u jixinjixin handadaadda Barlamaanka iyo buuqa danleyda wax kasta oo kaa soo gaara. Waxaa kuu dagatay sharaf iyo taariikh ee ku mintid difaaca Dastuurka iyo dhaqan-gelinta shuruucda dalka.  Hindisahayga, Waad guuleysan ee ha u baraq-nuglaan boolo-xooftada Baarlamaanka ee Axaddii 30/7/2017 lagu been-hawsasay.

 

Advertisement